Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Dhexmaray Somaliland iyo Puntland


Dagaal dhexmaray Puntland iyo Burcad-badeed
Dagaal dhexmaray Puntland iyo Burcad-badeed

Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in saaka uu dagaal ku dhex maray ciidamada Maamulka Puntland iyo kuwa Soomaaliland meel u dhow degmada Dhahar.

Dagaalka ayaa wararku waxa ay sheegayaan inuu dhaliyey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ciimada Somaliland ayaa maalmihii la soo dhaafay adkeeyay ammaanka deegaano ka tirsan gobolka Sanaag Bari oo muranku kala dhexeeyo maamulka Puntland, halkaas oo ay ka bilaabatay diiwaangelinta doorashada Somaliland ee 2017ka.

Taliye ku xigeenka ciidamada Puntland Col. Jaamac Saxardiid ayaa sheegay inay shan askari ku dileen dagaalka, ayaguna uu ka dhintay hal askari.

Dhinaca kale, wasiirka gaashaandhigga Somaliland, Axmed Xaaji Cali Cadami, oo isna ku suggan gobolka ayaa ka hadlay dagaalkan, wuxuuna sheegay inay ku gacan sarreeyeen.

Warbixinta dagaalka oo ay soo dirtay wariyaha VOA ee Boosaaso iyo wareysiga wasiirka gaashaandhigga Somaliland hoos ka dhageyso.

Dagala dhex maray Somaliland iyo Puntland
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:43 0:00


XS
SM
MD
LG