Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Isqarxin iyo Dagaal ka dhacay Muqdisho


Isqarxin iyo Dagaal ka dhacay Muqdisho
Isqarxin iyo Dagaal ka dhacay Muqdisho

Kooxda Alshabab ayaa laba qarax oo ismiidaamin ah iyo weerar u geeystay fariisin ay ku sugnaayeen ciidadama dowladda iyo kuwa Amisom

Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa saakay deggan, ka dib weerar is qarxin ah iyo dagaal daba socday shalay oo ay kooxda alshabab ku qaaday fariisin,ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa Midoowga Africa ku leeyihiin agagaarka Jidka Warshadaha, gaar ahaan dhismaha dugsigii Farasmada ee Jarmalka.

Afhyaeenka Kooxda Alshabab Sheikh Cali Maxamuud Raage ayaa sheegay in ay weerarka ku dileen tobaneeyo ka tirsan ciidamada Amisom.

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Gen. Cabdikariin Yuusuf Aadan “Dhega-badan, ayaa sheegay in laba ka tirsan ciidamada Dowladda, iyo laba kale oo ka tirsan Askarta midowga Afrika ku dhaawacmeen dagaalkaasi iyo isqarxinta

Ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya qasaaraha dhabata ah ee dagaalkaasi ka dhashay

Wareeysi aan la yeelanay Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Gen. Cabdikariin Yuusuf Aadan “Dhega-badan, halkan hoose ka dhageeyso

XS
SM
MD
LG