Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Dhex Maray Ciidamada Dowladda


Ciidamada Dowladda
Ciidamada Dowladda

Dagaalkan ayaa ka dhashay dhul la isku haysto oo ay boosliska Somalia sheegeen in lagu amray in la burburiyo, laakiin ciidamo kale ay diideen.

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhimatay tira kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal maanta magaalada Muqdisho ku dhex maray ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Somalia.

Dagaalka, oo socday muddo laba saac ah, ayaa ka dhacay xaafadda Soona Key ee degmada Hodan.

Dagaalkan ayaa ka dhashay dhul la isku haysto oo ay boosliska Somalia sheegeen in lagu amray in la burburiyo, laakiin ciidamo military ah ay ka soo horjeesteen.

Wararka ayaa sheegaya in guryaha la doonayey in la bur buriyo ay degan yihiin qaar ka mid ah qoysaska askarta diidan in la burburiyo, sida ay dad goob joogeyaal ah ay u sheegeen Idaacadda VOA.

Xaafadda uu ka dhacay dagaalka ayaa waxaa ka socda barakac, ayada oo dadka ay ka baxsanayaan dagaalka, xilli ciidamada dagaalamay ay weli is-horfadhiyaan, balse ay ku dhex jiraan ciidamada Amisom.

Wariyeheenna Magaalada Muqdisho Xasan Kaafi Qoyste ayaa warbixintan inoo soo diray.

Ciidamada dowladda oo dagaalamay
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:22 0:00

XS
SM
MD
LG