Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afrikada Dhexe: QM Oo Baareysa Eedeyn Kufsi


Howl galka Q.M. ee Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, ayaa sheegaya inay baariyaan eedeymo cusub oo la xiriira gabbood fallo kufsi ah oo lagu eedeynayo inay ka geysteen ciidamada nabad ilaalinta Q.M. iyo kuwa kale ee caalamiga ah caasimadda waddanka Jamhuuridda Afrikada Dhexe.

Howgalka oo loo soo gaabiyo MINUSCA, ayaan caddeyn eedeymaha, waxaase ay sheegeen in shaqaale ka socda UNICEF ay la kulmeen afar gabdhood oo la sheegay inay yihiin kuwa la kufsaday, kuwaas oo ka caawinaya inay helaan gar gaarka caafimaad ee ay u baahan yihiin.

Waxa hore u jirey illaa iyo 17 eed oo la xriirta kufsi la sheegay inay geysteen ciidamada Q.M. ee Jamhuuriyaddaasi Afrikada Dhexe. Eedeymahaasi ayaa sababtay in xog-hayaha guud ee Q.M. Ban Ki Moon uu shaqada ka ceyriyo ergeygiisii u qaabilsanaa waddankaasi Babacar Gaye, bishii August.

XS
SM
MD
LG