Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal ka Dhacay Dhuusamareeb


Dagaal ka Dhacay Dhuusamareeb
Dagaal ka Dhacay Dhuusamareeb

Dagaal culus ayaa caawa fiidkii ka dhacay magaalada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galgaduud.

Dagaalkan ayaa qarxay kaddib markii maleeshiyada Al-shabaab ay weerar lama filaan ah ku qaaday magaalada Dhuusa-mareeb oo ah goob uu kataliyo ururka Ahlu-Sunna Wal-Jamaaca.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda Al-shabab ay u suurto gashay inay qabsato 2 xaafadood oo ka tirsan magaalada, balse isla markiiba waxaa magaalada ka saaray ciidamada Ahlu-Sunna.

Wararka u danbeeyay ee ka imanaya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in xaaladdu ay imika degan tahay.

Dagaalkan ayaa imanaya iyadoo degmada Guriceel ay ku sugan yihiin ciidamo Ethiopia ah oo toddobaadkii hore ka soo talaabay xadka. Lama oga in ciidamada Ethiopia ay dagaalkan ka qeybgaleen iyo in kale.

XS
SM
MD
LG