Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sool oo ay dagaal Beeleed ku Dhinteen 15


dagaal
dagaal

Wararka ka imanaya deegaanka Qorrilley ee gobolka Sool, ayaa sheegaya in ay halkaasi ku dhinteen in ka badan 15 ruux, ayna ku dhaawacmeen tiro kale oo badan, kadib markii uu deegaankaasi ka qarxay dagaal beeleed saaka arroortii.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay,ayaa u badan dhinacyadii dirirtu dhex martay.

Dadka dagaallamaya oo xoola dhaqato reer miyi ah, ayay colaaddoodu in muddo ah soo jiitameysay, kuwaas oo dagaalkooda salka ku haya arrimo ku saleysan dhulal iyo daaqa xoolaha.

Dagaalka, ayaa bilowday kadib markii odayaal dhaqameedyo uu maamulka Puntland u xil saaray qaboojinta xiisado ka dhex aloosana labada beel ay dib ugu soo laabteen deegaannada Puntland, sida uu ku soo waramayo wariyaha VOA Nuux Muuse Bir-jeeb.

Is-gaarsiinta deegaanka Qorrilley oo aad u xun darteed, ayuu Nuux soo sheegaya in ay adag tahay in la helo faahfaahin dhameystiran oo ku aaddan dagaalka saaka ka qarxay halkaasi.

Dhageyso wareysiga Nuux Muuse oo uu la yeeshey Maxamed Xasan Colaad.

Dagala beeleed
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:32 0:00

XS
SM
MD
LG