Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka Oo Jaajuus Israeli Ah Sii Daayey


pollard
pollard

Ra’iisal Wasaaraha Israel Benyamin Netanyahu ayaa sheegay in shacabka Israel ay soo dhoweynayaan sii daynta Jonathan Pollard.

Ra’iisal Wasaaraha Israel ayaa laga soo xigtay in la sii daayay Jonathan Pollard oo ahaa nin basaas ahaa oo u dhashay Israel oo ku jiray xabsiyada Maraykanka illaa 30 sannadood.

Pollard oo hore uga shaqayn jiray Qaybta Dembibaadhista ee Ciidanka Badda ee dalka Maraykanka, ayaa lagu xukumay xabsi daa’in sannadkii 1987-kii kadib markii uu qirtay inuu xog sir ah oo ay lahayd Waaxda Difaacu uu ka iibiyey Israel.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Israel ayaa lagu sheegay in soddon sano kadib uu xilligan Jonathan dib ula midoobay qoyskiisii.

Ra’iisal Wasaare Benyamin Netanyahu ayaa sheegay in shacabka Israel ay soo dhoweynayaan sii daynta Jonathan Pollard.

Pollard oo ah 61 sano jir ayaa loo dammaanad qaaday dhalashada dalka Israel sanandkii 1995 isaga oo xabsiga ku jira.

Waxaa la filaya inuu dego magaalada New York halkaas oo uu ku noolaan doono ugu yaraan shanta sano ee soo socota.

Waxaa laga mamnuucay inuu dalka debeddiisa u baxo ama uu booqan karo dalal debedda ah oo xattaa ay ku jirto Israel isaga oo aan ogolaansho haysan.

Wasaaradda Cadaaladda Maraykanka iyo Garyaqaannada u doodayey ninkan basaaska ahaa ayaa diiday inay faahfaahin badan ka bixiyaan cafiska loo fidiyey.

Wargeys taageera dawladda Israel ayaa daabacay in Ra’iisal Wasaaraha Israel uu weydiistay dawladda Maraykanka inay Pollard u ogolaadaan inuu u si degdeg ah ugu guuro dalka Israel.

Sidoo kale laba mudane oo ka tirsan golaha Congresska oo laga soo doorto New York oo kala ah Eliot Engel iyo Jerrold Nadler ayaa qoraal u diray Xeer ilaaliyaha Guud ee Maraykanka Loretta Lynch, iyaga oo qoraalkooda ku dalbaday in Pollard loo ogolaado inuu ka tanaasulo dhalashadiisa Maraykanka isla markaana uu u guuro Israel.

XS
SM
MD
LG