Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mali: La Haystayaashii Oo Lasii Daayey.


Mali Attack
Mali Attack

Saraakiisha Mali ayaa sheegay in dhammaan lahaystayaashii laga sii daayay hotel-ka ay maanta ku qabsadeen niman hubeysan. Kooxda Al-Mourabitoun ee ku xiran Al-Qacida ay sheegatay mas’uuliyadda weerarka hotel Radisson.

Sarakaiisha dalka Mali ayaa sheegay in iminka aysan jirin la haystayaal gacanta ugu jira kooxda weerarka ku qabsatay hotelka Radisson ee magaalada caasimadda ah Bamako.

Illaa iyo hadda ma cadda, haddii ciidamada dalka Mali ay hotelka ka nadiifiyeen dableydii qasabatay saaka.

Warbixnno horey ayaa sheegayey in mintidiinta ay haystaan illaa 170 qof. Hase yeeshee 80 ka mid ah ayaa goor dambe la sheegay in lasii daayey, halka saddex la dilay.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in ay soo bad baadiyeen la haystayaal ay ku jiraan lix muwaadin oo Mareykan ah.

Illaa afar dabley ayaa weerarka hotelka ku qaaday. Warar ayaa sheegay inay sii daynayeen qofkii aqriya aayado ka mid ah qur’aanka.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in kooxda saldhigeedu yahay Mali ee Al-Mourabitoun ee ku xiran Al-Qacida ay sheegatay mas’uuliyadda weerarka. Ma jirto si lagu xaqiijin karo sheegashadaas.

Weerarkan ayaa waxa uu hoosta ka xariiqayaa halista mintidiinta Islaamiga ah oo weli ka jira waqooyiga iyo bartamaha dalka Mali, inkasta oo ciidamo nabad ilaalin oo QM ka socda ay joogaan.

XS
SM
MD
LG