Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dadka Kenya oo Doonaya in la Celiyo Soomaalida


Ra’yi ururin cusub oo dalka Kenya laga sameeyay ayaa Saddex-Meelood oo laba dadweynaha dalkaasi waxay taageereen in qaxootiga Soomaalida lagu celiyo dalkooda oo la xiro xeryaha qaxootiga.

Ra’yi ururintan oo samaysay hay’adda lagu magacaabo IPSOS ayaa sidoo kale soo bandhigtay inay yar tahay tirada dadka Kenya ee doonaya in ciidankoodu sii joogaan dalka Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa horey ugu dhowaaqday inay xiri doonto xerada qaxootiga ee Dhadhaab oo ay ku nool yihiin dad ka badan 300,000 oo Soomaali ah.

Faahfaahinta warkan waxaa Nairobi ka soo diray wariyaha VOA-da Maxamed Yuusuf, waxaana inoo soo koobaya Xuseen Barre.

Kenyanka oo doonaya in la celiyo Soomaalida
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:09 0:00

XS
SM
MD
LG