Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dadka Galmudug Oo Doonaya Nidaamka 4.5


Kual wada tashi ayaa lagu qabtay Cadaado
Kual wada tashi ayaa lagu qabtay Cadaado

Dadkii ka qeyb galay wadatashiga Hiigsiga 2016-ka ee ay qabteen maamulka GALMUDUG ayaa soo jeediyey in 4.5 wax lagu qeybsado.

Dadka deegaannada GALMUDUG ee ka qeyb galay kulankii wadatashiga Hiigsiga 2016-ka ayaa soo jeediyey in hab beeleed lagu soo xulo xildhibaannada Soomaaliya ee 2016-ka.

Arrintan ayaa ka dambaysay wadatashi labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Dadkii ka qeyb galay wadatashiga Hiigsiga 2016-ka ee ay qabteen maamulka GALMUDUG waxa ay sheegeen in xaaladda Soomaaliya ee iminka aysan saamaxeynin in nidaam xisbiyeed lagu salleeyo doorashada Soomaaliya ee 2016-ka.

Wasiirka warfaafinta GALMUDUG Maxamuud Aadan Cusmaan Masagawaay ayaa VOA u sheegay in maamulka uu qaadan doono talooyinkii ay soo jeediyeen shacabka oo ah in la qaato nidaamka 4.5, taasina ay u gudbin doonaan dowladda federaalka.

Shirkii lagu soo geba gebeeyey Cadaado ayaa waxaa warbixintan nooga soo diray Cabdiwaaxid Macallin Isxaaq oo ku sugan Gaalkacyo.

Shirka wadatashiga Galmudug
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:20 0:00

XS
SM
MD
LG