Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Degmada Marka Oo 14 Isbaaro Laga Qaaday


14-kaas jidgooyo ayaa lacag baad ah looga qaadan jiray gaadiidka dadweynaha ee ku safra waddada Muuri illaa Shalaambood isku xirta.

Guddoomiyaha degmada Marka Xasan Cumar ayaa VOA u sheegay in ay ku guuleysteen inay degmada Marka iyo deegaanada u dhow ka qaadaan illaa iyo 14 jidgooyo oo yaallay halkaas.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in 14-kaas jidgooyo lacag baad ah looga qaadan jiray gaadiidka dadweynaha ee ku safra waddada Muuri illaa Shalaambood isku xirta.

Si kastaba, guddoomiyaha waxa uu shaaca ka qaaday in dhibaatada ugu weyn ee iminka taagan ay tahay ayada oo jidadka gobolka ay si aad ah u burbureen oo ku safarkooda lagu rafaado.

Gudoomiyaha waxa uu sidoo kale sheegay in xaaladda degmada Marka ay hadda soo hagaageyso amni ahaan iyo bulsho ahaanba, balse ay weli jiraan weeraro naadir ah oo Shabaabka ay halkaas ka fuliyaan.

Jamal Axmed Cismaan, ayaa khadka telefoonka ku wareystay guddoomiye Xasan Cumar.

Guddoomiyaha Marka
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:45 0:00

XS
SM
MD
LG