Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad Rayid ah oo Lagu Gowracay Bardaale


Maleeshiyada Al-shabaab
Maleeshiyada Al-shabaab

Guddoomiyaha degmada Bardaale Weediyow Cali Xasan, ayaa VOA-da u sheegay in kooxda Al-Shabaab ay ka dambeysay dilalkan.

Laba Ruux oo mid uu yahay 62 jir ayaa lagu dilay tuulada Buulo Xaawo oo hoos tagta degmada Bardaale ee gobolka Baay.

Guddoomiyaha degmada Bardaale Weediyow Cali Xasan, ayaa VOA-da u sheegay in kooxda Al-Shabaab ay ka dambeysay dilalkan.

Weediyo, waxa uu intaas ku daray in odayga 62-jirka ah ay maleeshiyada kooxda Al-Shabaab kala baxeen gurigiisa, kadibna ay gowraceen.

Waxa kale oo uu ku warramay in dad badan oo ka cabsi qaba in maleeshiyada Al-Shabaab ay dhibaateeyeen ay kasoo carareen tuulada Buulo Xaawo, ayna soo galeen gudaha degmada Bardaale.

XS
SM
MD
LG