Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaali qirtay inuu ISIS ku Biirayey


Mahad Mustafe Muuse ayaa Arbacadii shalay ka hor qirtay maxkamad ku taalla magaalada Minneapolis ee gobolka MN in isaga iyo ugu yaraan 8 kale ay doonayeen inay u socdaalaan Suuriya si ay ugu biiraan ururka ISIS.

Maxkamadaas ka dib, ayaa Xeer Ilaaliya Maraykanka ee gobolka Minnesota uu shir jaraa'id qabtay, kaas oo uu kaga hadlayey barnaamij lagu magacaabo CVE oo dawladda dhexe ay soo hindistay, kaas oo bulshada Muslinka qaarkeedna ay welwel ka muujisay.

Warbixin arrimahaas ka hadlaysa hoosta ka dhageyso.

Dhageyso Qirashada Wiilka
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:18 0:00

XS
SM
MD
LG