Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dacwadda Samatar oo la ogolaaday


Dacwadda Samatar oo la ogolaaday
Dacwadda Samatar oo la ogolaaday

Maxkamadda sare ee Maraykanka ayaa go'aamisay in dacwad lagu soo oogi karo ra'iisul-wasaarihii hore ee Somalia Maxamed Cali Samatar

Maxkamadda Sare ee dalkan Maraykanka ayaa xukuntay in Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cali Samatar lagu soo oogi karo dacwad iyadoo lagu eedaynayo inuu dusha ka ilaalinayey jirdil iyo dilal aan sharci ahayn oo dhacay xilligii uu xilka hayey.

Xukunkan oo soo baxay maanta oo Talaada ah ayaa Maxkamadda Sare ku sheegtay in Samatar dacwad lagu soo oogi karo, iyadoo intaasi ku dartay inuusan xaq u lahayn gabbaad diblomaasinnimo.

Samatar waxa uu hadda ku nool yahay dalkan Maraykanka, waxana uu hore u soo ahaa Wasiirka Gaashaandhigga iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya sannadihii Siddeetameeyada iyo bilowgii Sagaashameeyada.

Dacwaddan waxa ku soo oogay dad Soomaali ah oo cuskanaya Xeerka Ilaalinta Dhiibbanaha la Jirdilay oo ah xeer ka dhisan dalka Mareykanka kaasoo soo baxay sannadkii 1991.

Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso wareysiyo kala duwan oo ka hadlaya dacwadda Cali Samatar.

La Xiriira

XS
SM
MD
LG