Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dablay Dil iyo Dhaawac ka Geysatay Xerada Ifo


Dablay Dil iyo Dhaawac ka Geysatay Xerada Ifo
Dablay Dil iyo Dhaawac ka Geysatay Xerada Ifo

Goob jooge ku sugan Ifo ayaa sheegay in mid ka mid ah ragga la toogtay uu isla goobta ku dhintay.

Dablay hubeysan oo aan la aqoonsan ayaa shalay casar liiqii qof ku dilay mid kalena ku dhaawacay xerada qaxootiga ee IFO ee dalka Kenya. Ninka la dilay iyo kan la dhaawacay waxay ka tirsan yihiin qaxootiga Soomaalida Itoobiya ee xeradaasi deggan.

Cabdiraxmaan Cabdullaahi Yuusuf oo ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee dul tegay markii la toogtay labadaasi ruux, ayaa sheegay in mid ka mid ah uu goobtaasi ku geeriyooday, halka kan kalena dhaawaciisa laga soo qaaday.

Wuxuu sheegay in ninka dhaawaca ah haatan loo qaaday magaalada Nairobi.

XS
SM
MD
LG