Isku xirrada

Dabeylo Khasaare Ka Geystay Puntland


Dabeylaha ayaa hoy la'aan dhigay dad badan, waxaana ay sidoo kale saameeyeen beerihii timirta ee gobolka uuu caanka ku ahaa.

Dabeylo xoog leh iyo roobab socday maalintii afaraad ayaa waxa ay ku dhufteen deegaanno ku yaalla xeebaha Puntland, kuwaasi oo khasaare u geystay qaar ka tirsan magaalooyinka.

Dabeysha ayaa saqafka ka qaadday guryo badan oo ku yaalla degmooyinka Caluula iyo Bareeda, ayada oo sidoo kalena saameysay isbitaalka degmada Caluula iyo goobo waxbarasho.

Waxa ay sidoo kale baabi’iyeen beerihii timirta ee gobolka uu caanka ku ahaa, ayada oo xoolo badanna ay la tageen biyo kasoo fatahay togagga.

Guddoomiyaha gobolka Gardafuu e Puntland Cabdulqaadir Yuusuf Axmed ayaa VOA u sheegay inay jiraan dad badan oo hoy la’aan kadib markii dabeysha ay waxyeello gaarsiisay guryahooda.

Dhinaca kale, doon laga lahaa dalka Iran oo ay saarnaayeen 24 qof oo Iiraaniyiin ah iyo 2 qof oo Soomaali ah ayaa ku degtay xeebta degmada Caluula.

Weriyaha VOA Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa warbixintaan nooga soo dirtay magaalada Boosaaso.

XS
SM
MD
LG