Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dabeylo ku Dhuftay Ceelasha-Biyaha


West Bengal Storms
West Bengal Storms

Wararka ayaa sheegaya in qiyaastii 100 guri ay dabeylaha waxyeelo u geysteen. Qaar ka mid ah guryaha oo ay ku jiraan kuwa dhagxaan ah ayaa bur-buray.

Degaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaabigana ku haya magaalada Muqdisho, ayaa lagu soo warramayaa in saakay aroornimadii ay ka dhaceen dabeylo xoog leh oo sababay bur bur soo gaaray guryihii halkaasi ku yaalay.

Dadka degaanka ayaa idacaadda VOA-da u sheegay in aanay horey u arag dabeyl la mid ah midda ay saakay arkeen, iyagoo sheegay inay cabsi ku abuurtay, islamarkaana ay qoysas badan dhigtay hoy la’aan.

Wararka ayaa sheegaya in qiyaastii 100 guri ay dabeylaha waxyeelo u geysteen. Qaar ka mid ah guryaha oo ay ku jiraan kuwa dhagxaan ah ayaa bur-buray, sida ay sheegeen dadka deegaanka

Jawaahir Maxamed Ducaale oo ka mid ah dadka degaanka ee ka cabanaya dhibaatada dabeyshaasi, ayaa idacaadda VOA-da uga warrantay dhibaatadan ka taagaan Ceelsha Biyaha. Waxaa wareysatay Caasha Ibraahim.

Dabeylaha Ceelasha Biyaha
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:12 0:00

XS
SM
MD
LG