Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama oo Ammaanay Dadka New Orleans

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa xalay khudbad u jeediyay dadka Magaalada New Orleans gobolka Lusiana, oo muddo haatan laga joogo 10 sanadood ay dufaan daadad waaweyn watada dhulka ku dartay.

Madaxweyne Obama ayaa ku amaanay dadka Magaalada Dhabar adeeg iyo dulqaad ku dayasho mudan oo ay kaga soo kabteen musiibadii ku dhacday sanadkii 2005tii

Duufaantaas oo loogu magac daray Katarina ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 2 kun oo qof, in ka badan halmalyuun oo qofna wey ku guryo beeleen.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in qaar badan oo ka mid ah Shacabka Mareykanka ay nolol maalmeedka la xarbinayaan, iyadoo weliba dhaqaalaha dalka uu soo kabanayo.

Wuxuu ka codsaday Congresska inay ansixiyaan miisaaniyadda dowladda, si looga baaqasado in howladha dowladdu ay istaagaan markii labaad muddo laba sanadood gudahooda ah, oo taasina ay dhaawacdo horumarka uu ku socdo dhaqaalaha Mareykanka.

XS
SM
MD
LG