Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maalinta Xuriyadda Dalka Mareykanka


Waxaa Xalay inta badan dalkan Mareykanka laga oogay bululeyrka maalinta xuriyadda ee Qarankan, iyadoo malaayiin qof ay hawada sare eegayeen

Boqolaal kun oo qof ayaa ku dhiiraday iney u soo baxaan kuleylka magaalada Washington si ey uga qeyb galaan ruwaayadda sanadlaha ah ee 4ta july ee lagu asteeyo xuriyadda dalkan,

Qaraxyada Bululeyrada midabada kala duwan leh ayaa laga maqalayay lagana daawanayay hareeraha Magaaladan Washignton.

Waxaana damaashaadkan uu ku soo beegmay xilli qolyaha saadhaasha hawada ay sheegeen iney filayeen roobab duufaan wata oo ka da’a meelo ka mid ah Mareykanka.

Nalalka Bululeyrka ayaa ifiyay hawada sare iyagoo ka dul iftiimaya goobihii xusuusta dagaalkii 1812kii iyo dagaalkii sokeeye ee Mareykanka.

Waxaa sidoo kale bululeyrada noocan ah laga ganayay Philadelphia – oo ah caasimadii ugu horeysay ee Mareykanka iyo magaalada New York.

Gelinkii hore ee arbacadii shalayna , Madaxweyne Barack Obama ayaa soo dhaweeyay 25 ka mid ah ciidamada Mareykanka oo asal ahaan ka kala yimid dalal kala duwan oo dunida ah oo la siinayay dhalashadan dalkan, iyagoo lagu dhaariyay Aqalka Cad.

XS
SM
MD
LG