Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cumar: Ahlu-Sunna khilaaf kama dhexjiro.


Sheekh Cumar
Sheekh Cumar

Sheekh Cumar Sheekh Maxamuud Faarax oo ka tirsan Alhu-Sunna ayaa sheegay inaysan jirin khilaaf ka dhexjira ururkaasi,

Gudoomiyihii hore ururka Ahlu-Sunna ee gobolladda dhexe Sheikh Cumar Sheikh Max’ed Faarax ayaa maanta ka hadlay isfaham-waaga u dhaxeeya culimada ururka Ahlu-Sunna oo dagaallo xooggan kula jira ururka Al-shabaab.

Sh. Cumar in muddo ah ku sugnaa magaalada Muqdisho waxii ka danbeeyay shirkii Ahlu-sunna ee Cabud-waaq ayaa VOA-da uga warramay khilaafka iyo kala duwanaanshaha ka dhaxjira ururka qunyar socodka ah ee Ahlu-sunna.

Sidoo kale Sh. Cumar waxaa uu ka hadlay sababaha uu uga soo tagay gobollada dhexe iyo waxa uu ka hayo magaalada muqdisho

Culimada Ahlu-Sunna ayaan xilligaan isku aragti ka aheyn qaabka ay iskula howgali lahaayeen inkastoo ay wadaagaan hal caddow oo ah Al-shabaab, kana mideysanyihiin in lala dagaallamo ururkaasi.

XS
SM
MD
LG