Isku xirrada

War

Hargeysa: Culimo Xabsi laga sii Daayay


Hargeysa: Culimo Xabsi laga sii Daayay

Hargeysa: Culimo Xabsi laga sii Daayay

Maamulka Somaliland ayaa xabsiga ka sii daayay labo wadaad oo muddo sanooyin oo muddo sanooyin ah u xirnaa falal argagixiso.

Maamulka Somaliland ayaa xabsiga ka sii daayay labo wadaad oo ka tirsanaa culimaa'uddiinka, kuwaasoo sanooyin badan u xirnaa eedeymo la xiriira falal argagixisinimo.

Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil oo 7-dii sano ee u dambeysay xirnaa iyo Muuse Cali Yuusuf oo isaguna inka badan 6 sano xabsi soo qaatay ayaa la sii daayay ka dib markii cafis loo fidiyay, sida ay sheegeen ehellada maxaabiistaasi.

Sheekh Maxamed Ismaaciil oo u warramay VOA ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in uu xorriyaddiisa dib u helo, isagoo sheegay in xabsiga uu kadeed badnaa, uuna aad u daallan yahay.

Sheekhaasi ayaa intii aan la xirin magaalada ku haystay goob dadka lagu daaweeyo.

XS
SM
MD
LG