Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ebola Oo Dib Loogu Arkay Sierra Leone


Arrintan ayaa imaneysa maalin kadib markii WHO ay sheegtay in Galbeedka Afrika uu ka madax banaan yahay cudurka

Sarkaal ku sugan dalka Sierra Leone ayaa sheegay in virus-ka cudurka Ebola laga helay meydka qof, maalin un kadib markii ururka caafimaadka adduunka ee WHO uu ku dhowaaqay in cudurka laga cirib tiray Galbeedka Afrika.

WHO, ayaa bayaan ku sheegtay Jimcaha (1/15/2016) inay xaqiijineyso kiiska cudurka Ebola e dalka Sierra Leone, oo laga helay meydka haweeney xanuunsatay kadibna geeriyootay horraantii bishan.

WHO, waxa ay sheegtay in shaac ka qaadistan ay macanaheedu tahay in la socosho xooggan iyo hab lagu jawaabi karo ay muhiim noqon doonaan bilaha soo socda, si la isugu diyaariyo suurta-galnimada ah in cudurka dib u dillaaco.

Khamistii, ayaa WHO waxa ay ku dhowaaqday dhammaanshaha cudurka Ebola ee dalka Liberia, taasi oo macanaheedu ahaa in dhamaman saddexdii dal ee xuddunta u ahaa cudurka ee Galbeedka Afrika ay iminka ka madax banaan yihiin cudurka.

Dhowaaqa WHO ayaa yimid kadib 42 maalmood oo wax kiisas cusub oo cudurka ah aan laga soo werin dalka Liberia.

Cudurka Ebola ee ka dillaacay Galbeedka Afrika ayaa galaaftay nolosha 11,000 oo qof, ayada oo in ka badan 28,000 oo qofna uu haleelay.

XS
SM
MD
LG