Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Somaliland Oo Qabsaday Balicad


Cali Khaliif Galayr
Cali Khaliif Galayr

Ciidamada Somaliland ayaa maanta la wareegay deegaanka Ballicad oo 52 KM u jirta Buuhoodle, halkaas oo shir uga socday xubno ka tirsan maamulka Khaatumo ee uu hoggaamiyo Cali Khaliif Galayr

Ciidamada Somaliland ayaa maanta la wareegay deegaanka Ballicad oo 52 KM koonfur kaga beegan Buuhoodle, halkaas oo shir uga socday xubno ka tirsan maamulka Khaatumo ee uu hoggaamiyo Cali Khaliif Galayr.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa sheegay in halkaasi uu ka socday shir kharbudaad ah oo ay soo agaasintay dowladda Soomaaliya.

Warancadde wuxuu sheegay in Cali Khaliif iyo xubnaha kale ee Khaatumo ay u dhasheen Somaliland, waxna tabanayaan, isagoo sheegay in Somaliand ay diyaar u tahay inay la hadasho.

Dhinaca kale maamulka Khaatumo ayaa xaqiijiyay in Ballicad laga qabsaday. Keyse Cabdi Yuusuf oo ah Wasiirka Amniga ee maamulka Khaatumo, ayaa sheegay in halkaasi uu ka socday shir ay uga arrinsanayeen maamul cusub.

Keyse wuxuu ku eedeeyay ciidamada Somaliland inay awood xoog badan isticmaaleen. Ismaaciil Farjar ayaa wareystay.

Qeybta hoose ka dhageyso warbixinta weriyaha VOA Hargeysa iyo wareysi aan la yeelanay Keyse Cabdi Yuusuf.

Somaliland oo qabsatay Balicad
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:26 0:00

Wasiirka amniga Khaatumo
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:58 0:00

XS
SM
MD
LG