Isku xirrada

Foosiya Yuusuf oo Beenisay Eeedaha Musuqmaasuqa


Fowsiya Yuusuf

Fowsiya Yuusuf

Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda ee Soomaaliya Foosiya Yusuf Xaaji Aadan ayaa gaashaanka ku dhufatay warbixin ay hordhac ahaan u bixiyeen Guddiga Cunaqabataynta Soomaaliya iyo Eretriya oo ku eedaysay madax ka tirsan dawladda oo ay iyadu ka mid tahay inay ku lug lahaayeen musuqmaasuq.

Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa maanta shir jaraa’id oo ay ku qabatay Muqdishu iskaga fogaysay eedahaasi.

Foosiya waxay sheegtay in eedahaasi ay yihiin isku day in magaca laga dilo.

Shirka jaraa'id kadib ayey Caasha Ibraahim Cuud uga warrantay sida ay u aragto eedahan cusub.

Hoos ka dhagayso waraysiga oo buuxa

XS
SM
MD
LG