Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Columbus: Soomaali Loo Magacaabay Guddiga Arrimaha Bulshada


Columbus: Soomaali Loo Magacaabay Guddiga Arrimaha Bulshada
Columbus: Soomaali Loo Magacaabay Guddiga Arrimaha Bulshada

Guddiga Arrimaha Bulshada ee dawladda hoose ee magaalada Columbus ee dalkan maraykanka ayaa loo magacaabay qof Soomaali ah.

Muuse Cabdi Faarax oo muddo badan ku noolaa gobolka Ohio ayaa loo magacaabay guddiga arrimaha bulshada ee magaalada Columbus oo ka mid ah magaalooyinka ay Soomaalidu ku badanyihiin ee dalka Maraykanka.

Guddigan ayaa ka shaqynaya sidii la isugu xidhi lahaa jaaliyadaha kala duwan ee ku nool magaalada iyo dawladda hosse.

Waxaana guddigan uu ka caawiya bulshada arrimaha la xidhiidha waxbarashada, caafimaadka iyo shaqada.

waraysi ay VOAdu la yeelatay mudanaha la magacaabay ayuu ku xusay in uu ku dadaali doono sidii uu wax ugu qaban lahaa Soomaalida tirada badan ee ku nool magaalada iyo guud ahaan dadwynaha kale ee ku dhaqan Columbus.

Waraysiga oo dhamaystiran ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

XS
SM
MD
LG