Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Toogasho Ka Dhacday Gobolka Colorado


Toogashada Dhismaha Planned Parenthood
Toogashada Dhismaha Planned Parenthood

Warbaahinta Maraykanka ayaa tebinaysa in ugu yaraan 3 qof ay dhinteen in ka badan 10 kalana ay ku dhaawacmeen togasho ka dhacday dhisme ay deggan yihiin hay'adda ka shaqaysa daryeelka caafimaadka haweenka iyo qoyska ee lagu magacaabo Planned Parenthood.

Dadka dhintay ayaa la sheegay inay iskugu jiraan laba rayid ah iyo sarkaal booliis ah.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in toogasho socotay ilaa shan saacadood ay dhex martay nin dablay ah iyo booliiska.

Booliiska ayaa goob dambe sheegay inay xidheen nin loo malaynayo inuu ka dambeeyey toogashada. Dadka dhintay waxaa ku jira nin booliis ah oo cisbitaalka ugu dhintay dhaawacii soo gaadhay.

Booliiska ayaa sidoo kale sheegay inay ku hawlan yihiin inay dhismahaasi ka nadiifiyaan inaanay ku sugnayn walxo kuwa qarxa ah. Waxay sheegeen in la aamisan yahay in ninkaasi uu agab la galay dhismaha ay ka mid yihiin taangi gaas ku jiro iyo agab kale oo ku jira boorso.

Planned Parenthood waa hay'ad shaqada ay hayso dadku ku kala aragti duwan yihiin sababtoo ah qaar ka mid ah laamaha hoos yimaada hay'adda ayaa ah kuwo hooyooyinka ilmaha aan dhalan looga soo tuuro, inkastoo shaqada ugu badan ee ay hayso ay ka mid yihiin adeegyada caafimaadka qoyska, baahditaanka cudurka HIV iyo cudurrada kale ee lagu kala qaado galmada iyo talooyin kale oo caafimaadka guud ah.

Sahra Ciidle Nuur ayaa toogashada ka waraysatay Daahir Cigaal oo ku nool Colorado.

Toogashada Colorado
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:06:16 0:00

XS
SM
MD
LG