Isku xirrada

Clinton oo Sheegtay Inaysan Booqan Doonin Mexico


Musharaxa madaxweynaha Mareykanka ee xisbiga Dimoqraadiga Hillary Clinton ayaa sheegtay inaysan booqan doonin dalka Mexico ka hor doorashada bisha November.

Musharaxa la tartamaya ee xisbiga Jamhuuriga, Donald Trump ayaa booqday dalkaas toddobaadkii tagay kadib markii madaxweynaha Mexico Enrique Pena Nieto uu labada musharax ku casuumay wada-hadallo ku saabsan xiriirka labada dal.

Clinton ayaa teleefishinka ABC u sheegtay inay taa beddelkeed diiradda saari dooonto sidii ay shaqooyin uga abuuri lahayd gudaha dalka Mareykanka.

Waxa ay goor sii horeysay wada-hadallada Trump ee Pena Nieto ugu yeertay “Dhacdo fadeexad caalami ah”, ayada oo sheegtay in Trump uusan garaneyn sida loola hadlo madaxda caalamka.

Dhinaca kale, Clinton ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegtay inay aad uga walaacsan tahay shakiga ah “Faro-gelinta dowladda Ruushka ay ku hayso doorashada Mareykanka”.

XS
SM
MD
LG