Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciyaaraha Adduunka oo Bilaabmay


Ciyaaraha Adduunka oo Bilaabmay
Ciyaaraha Adduunka oo Bilaabmay

Waxaa maanata dalka Koonfur Afrika ka bilawday ciyaarihii koobka kubadda cagta ee adduunka ee aadka loo sugayay.

Waxaa maanata dalka Koonfur Afrika ka bilawday ciyaarihii koobka kubadda cagta ee adduunka ee aadka loo sugayay.
Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa tan iyo habeenkii xalay ka socday damaashaad iyo xaflado loogu tala galay furitaanka koobka adduunka.
Ciyaarata ugu horrayaysay ayaa waxaa maanta ku kulmaya Xulka qaranka ee dalka martida loo yahay Koonfur Afrika iyo wadanka Mexico.
Furitaankii ciyaarta ayaa waxa ka soo qaybgalay madaxweynaasha labada dal ee ciyaarayay iyaga oo salaantii calanka la qaatay kooxohooda.
Sidoo kale waxaa munaasabadda Furitaanka goob joog u ahaa guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta ee Fifa.
Ciyaarta furitaanka ayaa ka dhacaysa garoonka caalamiga ah ee magaalada Johannesburg


Dalka Koonfur Africa waxaa si rasmi ah uga bilowday tartanka ciyaaraha koobka Adduunka.

Furitaanka ciyaaraha maanta oo loo dhigay xafladdo fara badan iyo damaashaadyo, waxaa sidoo kale ka soo qeybgalay madaxweynayaal iyo marti sharaf..

Ciyaarta furitaanka ayaa waxaa lagu bilaabay kooxda martigalinaysa koobka ee Koonfur Africa iyo kooxda Mexico. Ciyaartaasi oo ahayd mid xiiso badan waxay 90-kii daqiiqo ku soo afjarantay bar bar dhac 1-1.

Ciyaartii labaad, waxaa iska horyimid kooxaha France iyo Urugway. ciyaartaasi oo ahayd mid adag, farsamo ahaanna aad u heer saraysay ayaa waxay ku soo idlaatay 0-0.

XS
SM
MD
LG