Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cirro: Waan Adkaynaynaa Amaanka Doorashada


Cirro: Waan Adkaynaynaa Amaanka Doorashada
Cirro: Waan Adkaynaynaa Amaanka Doorashada

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cabdullaahi Ismaaciil Cali Cirro ayaa sheegay in ay u diyaar garooben sugidda amniga doorashada.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inay casriyaynayaan booliska si uu u noqdo ka ugu tayada badan mandaqadda Geeska Afrika.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ay arrintan ay iska kaashanayaan hay’ado caalami ah oo ay ka mid tahay UNDP.

Talaabadan ayaa ku soo begmaysa iyada oo Komishanka doorashada ee Somaliland ay shaaca ka qaadeen in doorashada madaxweynenimada Somaliland ay qabsoomi doonto bisha soo socota ee June.

Gees kalena waxaa maanta gaadhay magaalada Burco Guddoomiyaha ololaha Doorashada Xisbiga Kulmiye Dr Maxamed Cabdi Gabboose halkaasna waxaa ku soo dhoweeyey gaadiid iyo dadweyne tiro badan, Dr. Gaboose iyo weftiga la socday ka sokow socod ay ku mareen waddooyinka magaalada wuxuu markii dambe dadweynaha kala hadlay meel fagaare ah, Guddoonka xisbiga UDUB ee gobolkaas ayaa ku eedeeyey xisbiga kulmiye inay dadka khasbayaan iyagoo sheegay in dadweynihii dhagaxtuur kala hortageen.

Faahfaahinta wararkaasi ka dhegayso qaybta hoose ee warbixintan.

La Xiriira

XS
SM
MD
LG