Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidanka India oo Qabtay Burcadbadeed


Ciidanka India oo Qabtay Burcadbadeed
Ciidanka India oo Qabtay Burcadbadeed

Ciidamada India iyo kuwa ilaalada xeebaha ee dalkaasi ayaa Axaddii Shalay qabtay 16 burcadbadeed Soomaali ah, meel ka baxsan xeebaha dalkaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidanka badda ee India ayaa xiray 16 burcadbadeed Soomaali ah, ka dib markii uu isku dhac dhexmaray doon kalluumeysi gudaha badda Carabian-ka.

Sraakiishu waxay isniinta maanta ah sheegeen in ciidamada badda iyo ilaallada xeebuhu ay burcadbadeedda Axaddii shalay ka qabteen meel ku dhow jasiiradaha Lakshadweeb ee ku yaalla meel ka baxsan koonfur-Galbeed India.

Burcadbadeeddu waxay isticmaalayeen doon kalluumeysi oo Iran laga leeyahay oo ay afduubteen, si ay ugu weeraraan maraakiibta kale ee mareysa badda Carabian-ka.

Saraakiisha dalka India waxay sheegeen inay xireen inka badan 100 burcadbadeed ah, dhowrkii bilood ee u dambeeyay, iyadoo burcadbadeeddu ay hawlohooda afduub ka geysanayaan meel ka fog xeebaha Soomaaliya.

Ciidamo caalami ah ayaa bilaabay inay wareeg ilaalo ah ka sameeyaan xeebaha Soomaaliya, dhowr sano ka hor, iyagoo isku dayaya inay joojiyaan weerarada burcadbadeedda oo boqolaal milyan oo madaxfurasho ah ka qaata maraakiibta ay qafaashaan.

XS
SM
MD
LG