Isku xirrada

War

Ciidanka Denmark oo dilay Burcadbadeed

  • VOA Somali

Ciidanka Denmark oo dilay Burcadbadeed

Ciidanka Denmark oo dilay Burcadbadeed

Ciidamada Denmark ayaa dilay labo burcadbadeed ah, 5 kalena nolosha ayay ku qabteen, ka dib markii ay israsaaseeyeen.

Markab dagaal oo uu leeyahay dalka Denmark ayaa sii daayay doon kalluumeysi oo ay afduub ku haysteen burcadbadeed Soomaaliya, meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya.

Wasaaradda difaaca ee dalka Denmark ayaa sheegtay in ciidamadeeda Mariniska ay rasaas ku fureen doonida afduubka lagu haystay, maalintii Sabtida ahayd, ka dib markii burcadbadeeddu ay rasaas ku furtay shaqaale isku dayay inay baaris ku sameeyaan doonta la afduubtay.

Dhacdadaasi waxaa lagu dilay labo burcadbadeed ah, 5 kalena nolosha ayaa lagu qabtay.
10 kale oo burcadbadeed ah oo isku dayay inay dooni yar ku baxsadaan ayay ciidamadu gacanta ku dhigeen.

Markabka Denmark wuxuu qeyb ka yahay ciidamada NATO ee la dagaallanka burcadbadeedda ee Geeska Afrika.

Ma jirto cid waxyeello ay soo gaartay oo la socotay markabka Dutch-ka ee hawlgalka fuliyay.
Dhowrkii sabo ee la soo dhaafay, burcadbadeedda xeebaha Soomaaliya waxay afduubteen maraakiib tiro badan, waxayna heleen tobonaan milyan oo dollar.

Waxaana la rumeysan yahay in burcadbadeeddu ay haatan xeebaha Soomaaliya ay ku haystaan inka badan 20 markab iyo inka badan 500 oo shaqaalihii la socday ah.

XS
SM
MD
LG