Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamo ka Socda AMISOM oo Baydhabo la Geeyay


Ciidamo gaaraya 100 Askari oo ka tirsan AMISOM ayaa la geeyay magaalada Baydhaba. Ciidanka ayaa ka kooban 50 Burundi iyo 50 Uganda ah.

Ciidankan ayaa noqonaya kuwii ugu ee la geeyo meel ka baxsan magaalada Muqdisho tan iyo markii howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM uu bilowday 2007-dii.

Ciidankan 100 askari oo ka kala socda Burundi iyo Uganda ayaa hor dhac u ah ciidan gaaraya 2500 oo ka socda AMISOM oo la ganeynayo Baydhaba.

XS
SM
MD
LG