Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamo ka Tirsan QM oo Lagu Dilay Dalka Mali


Mopti, Mali
Mopti, Mali

Shan xubnood oo ka tirsan howlgalka nabad ilaalinta QM ee dalka Mali ayaa lagu dilay, mid kalena lagu dhaawacay weerar gaadmo ah oo axaddii dhacay, sida ay sheegtay QM.

Weerarka ayaa ka dhacay bartamaha Mali, ayada oo askarta oo ka socda dalka Togo, islamarkaana qeyb ka ah howlgalka QM ee MINUSMA, ay ku safrayeen meel 30 KM u jirta magaalada Sevare.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.

Xoghayaha guud ee QM, Ban Ki-moon ayaa cambaareeyey weerarka, isaga oo sheegay in argagixisadu ay tahay mid ka mid ah halisaha ugu weyn ee haysata nabadda iyo amniga dalka Mali.

Weerar kale oo kaas la mid ah oo dhacay maalintii Isniinta ayaa dilay shan askari oo u dhashay dalka Mali, islamarkaana dhaawacay afar kale, markii baabuurkii ay saarnaayeen ay miino la qaraxday, kadibna ay toogteen koox aan la garan.

Weerarkii axadda ayaa tirada ciidamada QM looga dilay dalka Mali ka dhigeysa 64, taas oo macnaheedu yahya in howlgalka QM ee dalkaas uu yahay mid ka mid ah kuwa ugu qatarta badan caalamka.

XS
SM
MD
LG