Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamo Itoobiyaan ah oo Galay Soomaaliya


Ciidamo Itoobiyaan ah oo Galay Soomaaliya
Ciidamo Itoobiyaan ah oo Galay Soomaaliya

Mas'uul ka tirsan degmada Kalabeyr oo ka gaabsaday magaciisa ayaa sheegay in deegaanka ay ka jirto cabsi.

Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa waxaa la sheegay inay ka soo tallaabeen dhanka xuduuda Soomaaliya ay kala wadaagaan gobolka Hiiraan.

Mas’uul ku sugan degmada Kalabayr ee duleedka waqooyi ee magaalada Beledweyne oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso ayaa VOA-da u sheegay in ay jiraan in ciidamo Itoobiyaan ah oo wata gawaarida dagaalka ay soo gaareen agagaarka Kala beyr ayna halkaasi fariisimo ka sameysteen.

Wuxuu ka cudurdaartay inuusan ka hadli karin arrintaasi sababo la xiriira dhanka ammaanka iyo cabsi ka jirta ayuu yiri deegaanka.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayaa horey u sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay inuu ciidamo u diro Soomaaliya, haddii khatar la geliyo ayuu yiri ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee Amisom.

Waxaana soo gelitaanka ciidamada Itoobiya ee deegaamada ka tirsan Soomaaliya ay ku soo beegmeysaa iyadoo kooxda al-Shabaab ay ku dhowaaqday dagaal, ayna haatan kula jirto ciidamada dowladda iyo kuwa nabad ilaalinta ee AMISOM.

XS
SM
MD
LG