Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamo Huwan ah oo Qabsaday Xudur


Dhinaca kalena, saraakiil ka tiran DKMG oo ku sugan Baydhabo ayaa dhalinyarada Al-Shabab ugu baaqay inay soo goostaan oo DKMG ku biiraan

Ciidamada isugu jira Ethiopian iyo DKMG ayaa goor dhaweyd qabsaday magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

Xildhibaan Axmed Sh. Maxamed Loxos ( xildhibaan mashruuc ) oo la socda ciidamadan ayaa VOA u sheegay in ciidamadu ay magaalada qabsadeen iyadoon wax dagaal ah dhicin.

Qabsashada Xudur ayaa imanaysa iyadoo duleedka Xudur uu shalay ka dhacay dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidamadan huwanta ah iyo kooxda Al-Shabaab, lamana oga khasaaraha rasmi ah ee dagaalkaasi ka dhacay.

Dhinaca kalena, saraakiil ka tiran DKMG oo ku sugan Baydhabo ayaa dhalinyarada Al-Shabab ugu baaqay inay soo goostaan oo DKMG ku biiraan.

Wareysi iyo warbixin arrimahaas ku saabsan qeybta hoose ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG