Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muhaajiriin Soomaali ah oo Lagu Xiray Masar


Dowladda Masar ayaa xabsiyada dhigtay ugu yaraan 36 qof oo Muhaajiriin Soomaali ah xilli ay ka soo gudbeen xuduuda Masar ay la wadaagto dalka Sudaan.

Dowladda Masar ayaa xabsiyada dhigtay ugu yaraan 36 qof oo Muhaajiriin Soomaali ah xilli ay ka soo gudbeen xuduuda Masar ay la wadaagto dalka Sudaan.

Dadkan ayaa lasoo xiray xilli ay isku diyaarinayeen inay kasoo gudbaan gobolka Aswaan ee dalka Masar, kuna yaalla xuduudda Sudan, si ay u gaaraan magaalada caasimadda ah ee Qaahira.

Wararka ayaa sheegaya in dadkan oo u badan dhallinyaro isugu jiray wiilal iyo gabdho, ay doonayeen inay kasoo baxaan dalka Masar, una sii socdaalaan dalka talyaaniga.

Arintaan ayaa imaaneysa maalmo kadib markii Ciidamada amniga ay xireen in ka badan 100 qof oo Tahriibayaal Soomaali ah oo isku dayay inay ka tahriibaan xeebaha Masar. Xuseen Saxnuuni ayaa warbixintan soo diray.

Warbixinta: Xuseen Saxnuuni
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:09 0:00

XS
SM
MD
LG