Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Uganda oo Somalia ka Baxaya 2017


Ciidamada Uganda ayaa la sheegay inay ka baxayaan dalka Soomaaliya dhammaadka sannadka danbe.

Taliyaha guud ee ciidamada Uganda Katuma Wamala ayaa u sheegay taleefishinka NTV in ciidamada Uganda loo qabtay in Somalia laga soo saaro bisha December ee sannadka 2017,

Madaxa golaha nabadda iyo amniga ee Midowga Africa, Smail Chergui ayaa isna NTV u sheegay in taliyayaasha ciidama AMISOMee jooga Somalia ay isku raaceen qaraar, lagu billaabayo in ciidamada laga saaro Soomaaliya bisha October ee sannadkan 2018.

Uganda waa dalka ciidamada ugu badan ku tabaruca howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (Amisom), waxaana ay ku biireen howlgalkaas sanaddii 2007.

XS
SM
MD
LG