Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Laba Qof oo ku Dhintay Qarax iyo Is-rasaaseyn


Muqdisho
Muqdisho

Qarax xooggan ayaa maanta ka dhacay bar-koontarool oo ay joogeen ciiidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku taalla xaafadda Waxara-cadde ee degmada Huriwaa ee Magaalada Muqdisho.

Maamulka degmadaasi ayaa xaqiijiyay qaraxaasi, waxaaney sheegeen in uu ku geeriyooday mid kamid ah Askartii goobta lala bartilmaameedsaday ku sugnaa.

Ururka Al-shabaab oo in dagaalyahannadiisu ay Qaraxaasi ka dambeeyeen ku daabacay baraha iyaga taageera ayaa sheegay in uu Hadafku Askartaasi ahaa saddex ka mid ahnaay goobta ku dileen.

Dadka Xaafadda Waxar-cadde ayaa xusay in ay maqleen qarax xoogganiyo rasaas ka dambeysayinkastoo aanay tirada khasaaraha sheegin haddana waxa ay tilmaameen in dhimasho iyo dhaawacba ay weerarkaasi ka dhasheen.

Dhinaca kale ugu yaraan hal qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday laba kalena waa ay ku dhaawacmeen israsaasen maanta ka dhacday saldhigga Degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho.

Saldhiga ayaa waxaa xilliga uu iska hor-imaadku ka dhacayay waxaa ka socotay qaban-qaabada qeybinta raashin Mucaawinno ah oo loogu talo-galay dadka barakaca ah ee degmadaasi degan.

Goob-joogayaal ayaa VOA-da u sheegay in raga weerarka soo qaaday oo 4 ahaa ujeeddadoouna lagu tilmaamay in ay raashiinkaaasi gargaarka ah boobaan ay rasaas ku fureen Askartii u xilsaarneyd ilaalinta goobta ay howsha qeybintu ka socotay.

Labada qof ee dhaawaca uu soo gaaray ayaa kala ah mid kamid ah Dableydii weerarka soo qaadday iyo haweeney kamid aheyd dadkii gargaarkaa soo raadsaday.

XS
SM
MD
LG