Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mucaaradka Libya oo galay Tripoli


Mucaaradka Libya oo galay Tripoli
Mucaaradka Libya oo galay Tripoli

Ciidamada Mucaaradka Libya ayaa gudaha u galay magaalada Tripoli iyagoo qabsaday qeybo badan oo ka tirsan magaalada oo ay ku jirto fagaaraha lagu magacaabo Fagaaraha Cagaarka ee bartamaha Tripoli.

Mucaaradku waxay kaloo qabteen laba wiil oo uu dhalay hoggaamiyaha Libya Mucaamaral Qadaafi oo kala ah Sayful al-Islam iyo Maxamed. Maxkamadda Caalamiga ah ee danbiyada ee ICC ayaa xaqiijisay in Sayful islam la qabtay oo uu xiran yahay.

Dagaalyahanada mucaaradka ayaa magaalada ka soo galay dhinaca galbeed iyagoon la kulmay iskacaabin kooban oo uga timid ciidamada Qadaafi.

Ciidamada mucaaradku waxay goor hore qabsadeen saldhig militari oo 27 KM Tripoli u jira kaasoo ay lahaayeen ciidamada gaarka ah ee Qadaafi oo uu abaanduule u yahay wiilka Qadaafi.

TV-ga Libyan ayaa Axaddii tabinayay fariimo cod oo ka yimid Qadaafi, wuxuuna fariintiisii ugu danbeysay ku sheegay in ciidamada mucaaradku ay ku soo socdaan Tripoli. Qadaafi wuxuu sheegay inuu magaalada sii joogayo "ilaa iyo dhamaadka" si uu u difaaco, isagoo taageerayaashiina ugu baaqay inay ka caawinayaan sidii uu magaalada uga xoreyn lahaa mucaaradka.

XS
SM
MD
LG