Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Kenya Oo Ku Laabtay Ceel-Cadde


Ciidamada Kenya
Ciidamada Kenya

Ciidamadan ayaa deegaanka Ceel-Cadde ee Gedo ka baxay Jimcihii markii halkaas ay weerareen maleeshiyada Al-Shabaab.

Ciidamada Amisom ee Kenya ayaa maanta dib ugu laabtay deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo, maalmo kadib markii halkaasi ay ka saareen maleeshiyada kooxda Al-Shabaab, oo weerar ku qaaday.

Maleeshiyada Al-Shabaab, ayaa Jimcihii (1/15/2016) weerar ku qaaday saldhigga ciidamada Kenay ee Ceel-Cadde, halkaasi oo ay ku dileen askar badan oo ka tirsan kuwa Kenya, halka qaar kalena weli la’ yahay, ayaga oo sidoo kalena qabsaday hub.

Ciidamada Kenya ee maanta halkaas ku laabtay ayaan la kulmin wax iska caabin ah, ayada oo wararka ay sheegayaan in maleeshiyada Al-Shabaab aysan halkaas ku sugneyn, marka laga reebo tiro yar oo ay sahan ahaan magaalada uga tageen, kuwaasi oo ka baxay.

Guddoomiyaha Ceelcadde Cabdi Cali Qoorleex, ayaa wehliyey ciidamada Kenya ee maanta halkaas ku laabtay.

Wararka VOA ay ka heleyso deegaanka ayaa sheegaya in qiyaatsii 80% ay dadka shacabka ah ka qaxeen magaalada.

Falastiin Axmed Iimaan ayaa arrintan ka waraysatay Korneel Aadan Axmed Xirsi “Dufle” oo ka mid ah saraakisha ciidanbka dawladda ee ku sugan Gobolka.

Korneyl Aadan Axmed Xirsi
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:32 0:00

XS
SM
MD
LG