Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Dawladda oo Mar kale Is Dagaalay


Ciidamada Dawladda oo Mar kale Is Dagaalay
Ciidamada Dawladda oo Mar kale Is Dagaalay

Inta la xaqiijiyay 3 ka tirsan Askarta DKMG ayaa ku geeriyooday 6 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib iska horimaad Ciidamo kawada tirsan DKMG oo mar labaad dhexmaray maanta .

Dagaalkan ayaa ciidamada maanta ku dhexmaray xaafado ka tirsan degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho.

Iska horimaadka maanta ayaa daba socda mid shallay halkaasi ku dhexmaray labada Ciidan oo la sheegay inay isku heystaan Bar koontarool oo Lacago looga qaado Gaadiidka.

Iska hor imaadkii maanta ayaa waxa uu saameyn xoogan ku yeeshay dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo isku socodka gaadiidka degmada Madiina sida ay VOAda u sheegeen dadka deegaankaasi

Saraakiisha dowlada ayaan wali ka hadlin xiisada ciidamada dowlada inkasta oo iska ku dhaca ciidamada dowlada ay yihiin kuwa soo noqnoqday .

XS
SM
MD
LG