Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Milatariga Ciraaq Oo 'Badi Qabsaday Ramadi'


Milatariga dalka Ciraaq ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen xarunta weyn ee dhismaha dowladda ee magaalada Ramaadi oo maalmihii ugu dambeeyey si weyn ugu dagaallamayeen ciidanka Ciraaq iyo ururka ISIS.

Milatariga ayaa sheegay in xaruntaasi ay hadda ku sugan yihiin injineero dhismahaasi ka baaraya in maleeshiyada ururka ISIS uga tageen miinooyin iyo waxyaabaha qarxa.

Ciidanka Ciraaq ayaa niskii dambe ee shalay sheegay in weli saacado ay ka dhimmanyihiin in si rasmi ah loo shaaciyo, in guud ahaan magaalada Ramaadi ay ku jirta gacanka ciidanka.

Qaar ka mid ah saraakiisha Ciraaq ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in sababtu ay tahay iyadoo ay weli magaalada ku sugan yihiin dad ismaadaamiyeyaal ah iyo kuwa shiishka wanaagsan ee meelaha fog-fog dadka ka soo toogta, weli ay jiraan qeybo maleeshiyada ISIS magaalada ka sugan yihiin.

Magaalada Ramaadi ayaa tan iyo billowgii sanadkan ku jirta gacanta ururka ISIS.

XS
SM
MD
LG