Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shabab Vs AMISOM


Kooxda Al-Shabaab ayaa ku hanjabtay inay weerar ku qabsan doonto Madaxtooyada, balse AMSIOM ayaa hanjabaadaasi ku tilmaamay mid aan suurtagal ahayn.

Afhayeen u hadlay kooxda Al-Shabaab ayaa maleeshiyada ururkooda u sheegay inay u diyaargaroobaan weerar buuxa oo ay ku qabsadaan xarunta madaxtooyada.

Afhayeenkan wuxuu ku dooday inay iyagu ku gacan sareyn doonaan weerar ay ku qaadaan xarunta madaxtooyada.

Dhinaca kalena, Afhayeenka AMISOM Major Bridge Bohuku ayaa VOA-da u sheegay in hanjabaada al-Shabaab aysan dhayalsaneyn, balse wuxuu sheegay in ay ka difaaci doonaan haddii ay soo weeraraan xarumaha ay iyagu ilaaliyaan.

Hanjabaada Kooxda al-Shabaab waxay soo baxday maalmo ka dib markii ay ciidamada dowladda kaga guuleysteen dagaalo ay kula galeen Waqooyiga Muqdisho.

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indho Cadde) oo ka mid ah wasiirada dowladda ayaa guul darrada ciidamada dowladda ka soo wajahday waqooyiga Muqdisho dusha uga tuuray xukuumada.

Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa sheegtay inaysan iyagu lug ku lahayn dagaalladda, balse haddii weerar uga yimaado Al-Shabaab ay iska difaaci doonaan.

XS
SM
MD
LG