Isku xirrada

War Deg-Deg ah

CID-da oo Qarax Lala Beegsaday


CID-da oo Qarax Lala Beegsaday
CID-da oo Qarax Lala Beegsaday

Ugu yaraan saddex ka tirsan ciidanka amniga Soomaaliya ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay xarunta CID-da ee Muqdishu.

Qarax xooggan ayaa maanta ka dhacay xarunta dambi-baadhista booliiska Soomaaliya ee magaalada Muqdishu.

Ugu yaraan saddex ka tirsan ciidamada booliiska ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen qaraxan. Qaraxn ayaa la sheegay inuu ka dmabeeyey kadib markii ay ciidamada booliisku qabteen baabuur yar oo ay saarnaayeen afar nin oo ay tuhmeen.

Baabuurka iyo rakaabka saaran ayaa la sheegay in la geeyey xarunta dambi-baadhista CID-da ee u dhow isgoyska Lambar 4.

Ilaa hadda ma cadda sida qaraxn u dhacay, hase yeeshee warar dhinaca amniga aha ayaa idaacadda VOA u sheegay in qaraxu uu dhacay xilli ay ciidamada booliisku ay baadhitana ku wadeen baabuurkaasi.

Af-hayeen u hadlay ciidamada booliiska ayaa sheegay in wicitaanka telefoonnada moobilka ah loo malaynayo inuu keenay inay qarxaan walxaha qarxa oo saarnaa baabuurkaas.

XS
SM
MD
LG