Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Chattam House oo ka digtay Siyaasadaha Reer Galbeedka


Chattam House oo ka digtay Siyaasadaha Reer Galbeedka
Chattam House oo ka digtay Siyaasadaha Reer Galbeedka

Xarunta daraasaadka caalamiga ee Chattam House ayaa sheegtay in siyaasadaha reer Galbeedka ee ku aadan Soomaaliya iyo Yemen ay sababaan Xagjirnimo.

Warbixintan ay khamiistii maanta ahayd soo saareen xarunta daraasaadka caalamiga ah ee Chattam House ee magaaladan London ayaa waxaa lagu sheegay in siyaasadaha ay wadaan wadamada reer galbeedka ee ku aadan Soomaaliya iyo Yemen ay yihiin qaar wax ku biirinaya in ay dhalinyarada labadaasi wadan ay dareemaan in duulaan lagu yahay, oo sidaasi daraadeedna ay dhalinyarada labadaasi wadan ay ka dhigayaan in ay noqdaan qaar xag jir ah.

Warbixintan ayaa waxaa ay intaasi ku daraysaa in halkii ay wadamada reer galbeedku tababaro milatari oo dheeraad ah iyo weeraro gantaalo ah ay ka samayn lahaayeen wadamada Somalia iyo Yemen in loo baahan yahay in la sameeyo siyaasado cusub oo lagu taageerayo sidii dhalinrada dalalkaasi loogga baajin lahaa in ay noqdaan qaar xag jir ah.

Warbixintan ayaa waxaa lagu sheeggay in ay Maraykanku ay hubaynayaan oo ay tababarana siinayaan oo isla markaasna ay maal gelin ku samaynayaan in ay ciidamada amaanka ee wadanka Yemen ay fuliyaan siyaasadahooda la dagaalanka argagaxisada, halka dalka Soomaaliyana ay ciidamada ka socda midawga Africa ee ay reer galbeedku maaliyada ku taageeraan ay la tacaalayaan in ay taageeraan waxa ay warbixintu ku tilmaantay dawlada aan cagaha adag ku taagnayn ee ku meel gaadhka ah.

Waxaana warbixintan lagu sheeggay in ay wadamada Somalia iyo Yemen ay ka jiraan ururo qarsoodi ah oo iyagu si wayn uga shaqaysta ka ganacsiga hubka ee gobolkaasi, iyo tahriibinta dadka iyo waliba shidaalka sida qarsoodiga ah lagu qaado.

XS
SM
MD
LG