Isku xirrada

Ceelbuur: Dagaal 10 Qof Ay Ku Dhinteen


Dagaal ka dhacay Jubbadda hoose

Dagaal ka dhacay Jubbadda hoose

Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in 9 ka tirsan maleeshiyada al-Shabaab iyo askari ka mid ah ciidamada dowladda ay yihiin dadka geeriyooday.

Ugu yaraan 10 qof ayaa dhintay kadib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay weerartay xero ciidamada dowladdu ku leeyihiin deegaanka Ceelshiil ee duleedka Ceelbuur.

Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in 9 ka tirsan maleeshiyada al-Shabaab iyo askari ka mid ah ciidamada dowladda ay yihiin dadka geeriyooday.

Guddoomiyaha degmada Ceelbuur Korneyl Nuur Xasan Gutaale, ayaa sheegay in ciidamada ay ka warhayeen weerarka maleeshiyada Al-Shabaab, ayna gaarsiiyeen jab xooggan.

Ismaacil Farjar ayaa wareysya guddoomiyaha degmada Ceelbuur Colonel Nuur Xasan Gutaale.


XS
SM
MD
LG