Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Caweyska: Sagootinta Sanadka 2012


Barnaamijka Caweyska Washington ee toddobaadkan oo ah kii u dambeeyay ee aad maqashaan sannadka 2012-ka waxaan mar kale idinku xusuusineynaa qaar ka mid ah waxyaabihii aad horey ugu dhageysateen barnaamijka intii lagu gudajiray sannadka.

Waxaanu si gaar ah idinku xusuusineynaa qaar ka mid wareysiyada dhinaca fanka ee xusidda mudan, kuwaasoo ay ka mid yihiin mid ay bishii Juun ee sannadkan 2012-ka Caasho Ibrahim la yeelatay fanaanadda Caanka ah ee Soomaaliyeed ee Seynab Cige Maxamed iyo mid ay Falastiin Axmed Iimaan magaalada Toronto ee waddanka Canada kula soo yeelatay fanaanadda kale ee caanka ah ee Khadiijo C/laahi Dalays. Wareysiga labadan fannaan ayaa ahaa mid ay dhageystayaasha barnaamijka si wayn uga heleen sida fannaanimadu ku dheehan tahay ay ee ay dadweynaha ugu soo bandhigeen qaar badan oo ka mid ah waayahooda faneed, kuwaas oo ay qaar badan oo dhageystayaasha ka mid ah aanay horey uga warqabin.

Waxaan sidoo kale idinku maqasiineynaa sheeko qosol lahayd oo dhex martay haweeney iyo odeygeyga isku maandhaafay doorashadii madaxweyne-nimo ee dalkan maraykanka ka dhacday bishii Novembar ee sanadkan 2012-ka.

Waxaa iyadana xusid mudan mid ka mid ah heesaha barnaamijkan ku baxay oo ay dad badani u bogeen. Heestaasi oo magaceeda la yiraahdo “Ku aaway” ayaa waxaa ku luuqeeya fanaanka C/rasaaq Axmed Faarax “Gaaddaco,” waxaana ay qayb ka ahayd wareysi dheer oo ay Caasho Ibrahim la yeelatay fanaanka qudhiisa. Qisada heesta ayuuna in yar kaga hadlayaa fanaanka.

Barnaamijka oo dhameystiran ka dhageyso qaybta hoose.

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:23:46 0:00
XS
SM
MD
LG