Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Doorashada Madaxweynaha Somalia.


Muqdisho: Doorashada Madaxweynaha Somalia.
Muqdisho: Doorashada Madaxweynaha Somalia.

Baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya ayaa ku dhowaaqay in la qaban doono doorashada madaxweynaha Soomaaliya, dhammaadka bisha August.

Baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya ayaa ku dhowaaqay in la qaban doono doorashada madaxweynaha KMG ah dabayaaqada bisha August ee sanadkan.

Ku dhowaaqistan waxaa lagu soo bandhigay war saxaafadeed uu soo saaray baarlamaanka oo uu akhriyay guddoomiyaha guddiga warfaafinta ee baarlamaanka Cawad Axmed Cashara.

Xildhibaan Cashara oo wareysi siiyay VOA-da ayaa sheegay in doorashada madaxweynaha ay ka soo horreyn doonto tan guddoomiyaha baarlamaanka iyadoo caalamkuna uu goob joog ka ahaan doono.

Xildhibaan Casharo waxa uu sheegay in go’aanku uusan ahayn mid iyaga keligood ay gaareen, balse sidoo kale ay la qabaan sida uu sheegay adduunka initiisa kale.

Xildhibaan Cashara oo wax laga weydiiyay in ay go'aankoodan kala tashadeen madaxweynaha iyo xukuumadda iyo in kale, ayaa ku dooday in go'aankan uu yahay mid horey u jiray, madaxweynaha iyo xukuumadda ay ka war hayaan.

Wraysiga Xildhibaan Cashara oo dhan ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

XS
SM
MD
LG