Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Carson:Qeyb ka ma nihin gulufka DKMG ay qaadayso


Johnnie Carson
Johnnie Carson

Kaaliyaha xoghayaha arr. dibadda Mareykanka Africa u qaabilsan Johnny Carson ayaa beeniyay in Mareykanku DKMG ka taageerayo dagaalka ay mucaaradka ku qaadayso.

Johnnie Carson, wuxuu beeniyay warbixinta lagu soo daabacay wargeyska New York Times todobaadkii hore, taasoo soo xiganaysa saraakiil Maraykan ah oo magacooda qariyay kuwaasoo sheegay inay kaalmo dhinaca cirka ah iyo khuburro gaar ah oo militari ugu deeqi doonaan Somalia.

Johnnie Carson, wuxuu yiri " Warbixintaasi si sax ah ugama turjumayso umana muujinayso mowqifkeenna siyaasadeed iyo waxa aynu ka qabanayno Somalia. Waxaan kaalmo milatari siinay DKMG, waxaanan kaalmadaasi u bixinayn annagoo si weyn u aamisan in DKMG ay baadigoob ugu jirto soo afjarrida qalalaasaha Somalia ee ay sababeen Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee xagjirta."

Johnnie Carson, wuxuu sheegay in Maraykanku aanu iska lahayn qorshaha, agaasinka, iyo isku dubaridka howlgalka milatari ee DKMG. Carson wuxuu hoosta ka xariiqay in Maraykanku aanu bixin bixinna doonin taageerro toos ah oo la siiyo dowladda Somalia si ay guluf dagaal u qaado. Kaaliyuhu wuxuu sheegay inaysan bixin qarashka la-taliyayaasha militari ee DKMG la siiyo. Johnny Carson wuxuu caddeeyay inaysan jirin baahi loo qabo in la Maraykaneeyo khilaafka Somalia.

Mar uu ka jawaabayay su'aal ku saabsanayn in codsi taageerro dhinaca militariga ah oo cirka laga duqeeyo kooxaha mucaardka ay uga timid dowladda DKMG, wuxuu yiri " aniga iyo xafiiskayga nama soo gaarin codsi rasmi ah iyo mid aan rasmi ahayba oo ka yimid DKMG, kaasoo lagu codsanayo weerarro dhinaca cirka ah ama howlgallo milatari oo laga yaabo yaabo inay socdaan oo laga taageerro."

Kaaliyaha xoghayaha Arrimaha dibadda Maraykanka ee Africa qaabilsan, wuxuu sheegay inaysan jirin la-taliyayaal Maraykan ah oo dhulka Somalia ku sugan kuwaasoo taageeraya DKMG. waa Dowladda Somalia hoggaankeeda kuwa go'aaminaya howlgalka militari ee Somalia.

Carson, wuxuu ugu baaqay Soomaalida inay khilaafkooda xalliyaan, wuxuuna sheegay in dowladda Maraykanka iyo kuwo kale ee beesha caalamka door kaalmayn ah ay ka ka qaadan doonaan arrimaha Somalia, balse aysan sinaba uga qeyb qaadan doonin khilaaf dhulka ah oo dhaca.

Johnnie Carso, wuxuu sababaha dhaliyay khilaafka Somalia ku micneeyey dowlad la'aanta muddada dheer jirta, xitaa ururka al-Shabaab wuxuuka dhashay dowlad la'aanta wadanka ka jirta, waxayse ururka Al-shabaab dhexgaleen dad iyo fikir shisheeye.

Shir jaraa'id oo ka dhacay xarunta wasaarada Arrimaha Dibadda ee magaalada Washington, ayuu hadalladan ka sheegay Johnnie Carson. sidoo kale waxaa ka hadashay shirkaasi jaraa'id Ertharin Cousin oo ah wakiilka dowladda Maraykanka ee hay'addaha Qaramada Midoobay oo fadhigeedu yahay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga. Ertharin waxay sheegtay in dowladda Maraykanku ay si culus u qaadanayso warbixinta ay qortay kooxda ilaalada Qaramada Midoobay ee Somalia, waxayna intaas ku dartay in dowladda Maraykanku ay ka shaqeyn doonto sugidda in dadka Soomaaliyeed ee tabaalaysan ay helaan gargaarka ay u baahan yihiin.

Warbixinta Weriyaha VOA Harun Macruuf qeybta kore ee qoraalkan ka dhagayso.

XS
SM
MD
LG