Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Carson oo Ku baaqay in la Caawiyo Soomaaliya


Carson oo Ku baaqay in la Caawiyo Soomaaliya
Carson oo Ku baaqay in la Caawiyo Soomaaliya

Jonnie Carson oo ah kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka ee arrimaha Afrika wuxuu shir jaraa'id ku qabtay magaalada New York.

Dowladda Maraykanka ayaa ku boorisay dalalka Japan iyo kuwa kale ee ku yaalla Asia, Europe iyo Bariga Dhexe inay lacago ugu deeqaan dowladda lagu hareereysan yahay ee Soomaaliya iyo ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee AMISOM.

Jonnie Carson, oo ah diblomaasiga ugu sarreeya wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkan Maraykanka ee arrimaha Afrika ayaa sidoo kale codsaday in lagu caawiyo dalalka Soomaaliya deriska la ah sida Kenya, Tanzania, Mauritius iyo Seychelles qiimaha ku kacaya maxkamadeynta iyo xarigga burcadbadeeda Soomaalida.

Carson ayaa si gaar ah dowladda Japan ku dhiirigeliyay inay ka fekerto inay qalab military ugu yaboohdo ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee loo yaqaan AMISOM.

Wuxuu sheegay in Maraykanku uu dalal kale sidaasi si la mid ah ugu dhiirigelinayo inay gacan ka geystaan taakuleynta ciidamada AMISOM iyo dowladda KMG ah.

AMISOM waxaa Soomaaliya ka jooga askar gaareysa 7,000 kuwaasoo si joogta ah weeraro ugala kulma kooxda xiriirka ku xiran al-Qaacida ee al-Shabaab.

Dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho waxaa ku dhintay ugu yaraan 20 ruux oo rayid ah.

XS
SM
MD
LG